933 Views

Maxkamadeynta Askar & Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo bilaabatay

Maxkamadeynta Askar & Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo bilaabatay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 21, 2020–Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka bilaawday dhageysiga dacwad loo heysto Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo la sheegay inay ka qeyb qaateen dagaal beeleedyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa sheegay in Maxkamadda la horjeenay Ex-Dable xooga Axmed Isaaq Nuur oo loo heysto in uu la Shaqeeynayay Al-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Dable xoogga Cali Xasan Maxamed oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda loo heysto in isaga oo wata qori AK47 uu ka qeyb qaatay dagaal beeleed ka dhacay deegaano u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa ka cosaday guddoonka Maxkamadda in la marsiiyo ciqaabta u qalanta eedeysanayaashaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in dacwada eedeysanayaasha la soo gebagabeeyay,isla markaana dhawaan Maxkamadda ay go’aanada soo saari doonto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post