1074 Views

Hindiya: Ninka muslimka ah ee sida la yaabka leh u badbaadiyay gabadh

Hindiya: Ninka muslimka ah ee sida la yaabka leh u badbaadiyay gabadh
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Maxamed Maxbuub oo 37 jir ah, ku nool Bhopal, caasimadda Madhya Pradesh ee dalka Hindiya isla markaana ah fuundi haatana ka shaqeeya dukaan ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayay dalkaas, noloshiisa ayaa is baddashay, hadda si weyn ayaa looga xushmeeya dalkaas, dadweyne fara badan ayaa gurigiisa kusii qulqalaya kuwaas oo u hambalyeynayo kadib markii uu qaaday tallaabo si weyn loo amaanay.

Maxamed wuxuu badbaadiyay nolosha gabadh ku rakatay jidka tareenka, waxay ka gudbeysay waddada xilli uu sii dhaqaaqayay tareen xamuul ahaa.

Inantii ayaa ku qeylisay in la caawiyo , Maxbuub oo meesha ka ag dhawaa ayaa isla markiiba tareenkii hoos galay oo gacanta ku dhigay gabadhii, kadibna la leexiyay lugihii tareenka, kuna aaddiyay qeybta candhada tareenka ee aanan dhulka taaban, halkaas oo ay labadoodaba ku jireen intii uu tareenka dhaafayay..

Maxamed wuxuu yiri, “Ilaahay baa fududeeyay howshan, markii ay gabadha caawimaad i waydiisatay, waxa aan u jiray ilaa 30 tallaabo, wakhtigaas waxaa gabadha daawanayay ilaa 30-40 qof, laakiin waxaan dareemay in gabadha u baahantahay in loo gurmado, waxaan ku khasbanadaay in aan sameeyo, waana caawiyay”

Waxay arrintani dhacday 5-tii bishii Febraayo balse wuxuu u sheegay dad aad u tiro yar, mana dooneyn in uu dad la wadaago.

Waxaa laga yaabaa in dadku aysan xitaa ogaan lahayn geesinnimadiisa waa haddii uusan baahin muuqaalka muujinaya isaga oo badbaaniyay gabadha.

Muuqaalka baahay

Qof ka mid ah dadkii goobta isugu yimid ayaa muuqaal ka duubay Maxamed oo badbaadinayo gabadha, muuqaalka ayaa si weyn u baahay 11-kii bishan Febraayo.

Wixii markaas ka dambeeyay Maxbuub waxa uu noqday mawduuc ay ka hadlaan dadka ku nool magaalada Bhopal.

Inkastoo Maxbuub uusan wax badan ka ogeyn gabadhaas. Markii uu badbaadiyay kadib, inantii iyada oo ooyaysa ayay meesha ka tagtay.

Maxbuub oo ah aabbe dhalay gabadh 3 jir ah ayaa muuqaalka la wadaagay xaaskiisa iyo waalidkiisa waxay ogaadeen in shaqo weyn uu qabtay.

Xaaska Maxbuub Ruxi Ansari waxay tiri “Diintayada ayaa ina fareysaa in dadka aan u gargaarno.”

Maxbuub oo dib u xasuusanaya dhacdadii maalintaas ayaa yiri, “markii aan gabadha badbaadinayay , waxaan qabtay gabadha madaxeeda, sababtuna waxay ahayd in ay isku dayday in ay madaxa kor u qaaddo iyada oo argagaxsan”

Maxbuub ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu u gurmaday gabar dhibaateysan.

Waxay arrintani dhacday mar uu Maxbuub ka soo laabtay masjidka kadib markii uu soo tukaday salaadii cishaha xilli soo gaaray meel u dhow albaabka Barkhedi ee magaalada.

Maxbuuub wuxuu ka fikirayay sidii uu gabadha madaxeeda uusan ugu dhicin tareenka, waxaana gabadhan lagu magacaaba Sneha Gaur, waxay dhanka suuqgeynta u qaabilsaneyd macad gaar loo leeyahay oo ku yaalla Bhopal.

Gabadhan oo aan weli la kulmin Maxbuub , waxay sheegtay in uu badbaadiyay nolosheeda.

Maxbuub, xilliggaas ma uusan laheyn teleefoonka gacanta, hay’adaha maxalliga ee ka howlgala magaalada ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Maxbuub, Shuceyb Hashmi oo ka shaqeeya hay’ad lagu magacaabo BBM ayaa Maxbuub abaal marin u siiyay teleefoonka gacanta.

Shucey Hashmi waxa uu yiri, “Maxamed Maxbuub waxa ay ahayd in la abaal mariyo, waxa uu badbaadiyay nafta qof kale isaga oo noloshiisa halis geliyay, inkasta oo isaga laftiisu aanu doonayn in uu cidna u sheego dhacdadaas oo markii la ogaaday kadib muuqaalka baahay”

Waxaa sidoo kale tallaabada geesinimada leh ee Maxbuub bogaadiyay saraakiisha booliska ee degmada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post