795 Views

War deg deg ah: Wasiirka amniga Soomaaliya oo digiin ka soo saaray banaanbax Jimcaha lagu baaqay.

War deg deg ah: Wasiirka amniga Soomaaliya oo digiin ka soo saaray banaanbax Jimcaha lagu baaqay.
____________________________________________________________________________

.

February 23, 2021

Xili shalay ay shaaciyeen Midowga Musharixiinta inay maalinta Jimca ah dhigayaan Banaanabax, ayaa waxaa arintaas goor dhawayd saxaafada la hadlay Wasiirka amniga Xundubeey.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtayWasaarada Warfaafinta ayaa  ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post