978 Views

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu danbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in barataanadii ugu danbeeyay ee la sameeyay shalay laga helay 28 ruux oo ku sugan Muqdisho iyo Hirshabeelle, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Drs. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegt in 12-kii February 2021: xanuunkan laga baaray dad gaaraya 628 COVID-19, waxana Laga Helay 62, oo ku sugan Banadir, kuwaa oo kala ah 36 Lab ah iyo 26 Dhedig ah, halka ay u geeriyodeen 2 qof.

Wasaaradda ayaa Tirada Guud ee Laga Helay xanuunkan ku sheegtay 5,075, Tirada Guud ee Bogsatay waa 3,733.

Halka Dhimashada Guudna ay tahay 146.

Wasaaradda ayaa ygy danbeeyn digniin caafimaad u dirtay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si ay ugu digtonadaan halista xanuunkan oo markale soo laba kacleeyay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post