549 Views

Cabbaas “4-taas maamul waxay noqdeen milkiyad uu Farmaajo leeyahay”

Cabbaas “4-taas maamul waxay noqdeen milkiyad uu Farmaajo leeyahay”
____________________________________________________________________________

Axad, 16 Janaayo 2022 [Qaranimo Online] C/rashiid Faarax ayaa soo dhoweeyey in la dardargeliyo soo xulitaanka xildhibaanada aqalka hoose & kan sare, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay laga fiirsado dadka soo galaya baarlamaanka Soomaaliya.

C/rashiid oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho, wuxuu tilmaamay in dadka hormuudka u ah bulshada ay muujiyaan dareen ka tarjumaya danta & maslaxada dhabta ah ee shacabka, meel-na lagaga soo wada jeesto sidii la isaga hor wareejin lahaa kuwa ku shaqeeya san-dareertada.

“Waxaa jira kuwa sheegta ururo bulsho [civil society] intooda badan waxay jeebka ugu jiraan qolyihii markaas hogaanka dalka haya, inta bulshada ay metalayaan kuwa baahan, bulshadaasi weligood silic ka bixi  meyso, nasiib darradsaasi waxay ku gaar tahay caasimada Muqdisho” Ayuu yiri C/rashiid Faarax, wuxuuna intaasi raaciyay in wax kasta oo kale oo aan ka suurtagelin gobolada dalka in Muqdisho ay ka suurtageli karaan, taasina wuxuu sabab ugu dhigay dad Muqdisho oo huro dheer ku jira.

“Siddee ayeey ku dhici kartaa in Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeele,  K/Galbeed & Gobolka Banaadir in ay fuliyaan danta Farmaajo.? Aaway dadkii ay metalayeen.? Dadka ay metalaan laftigooda maxaa ku dhacay oo ay kaga dhiidhin la’yihiin in ay hoos joogaan dadka nuucaas ah.?” Ayuu yiri C/rashiid.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post