1122 Views

Janeraal Tuuryare oo farriin u direy Madaxda Dowladda

Janeraal Tuuryare oo farriin u direy Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 14, 2020—Janeraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare taliyihii hore ee Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay xaliso tabashada Madaxweyne Xaaf.

 

Janeraal Tuuryare oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug maantana tegay dhuusamareeb ayaa sheegay in la arki doono Galmudug oo Caalamka la tartameysa,isla markaana dhisantay.

 

 

 

Waxaa uu madaxda Dowladda Federaalka ka dalbadey inay xaliso tabashada uu qabo Xaaf iyo cid kasta oo wax tirsaneysa.

 

” Dowlada faderaalka ha xaliso tabashada madaxweyne Xaaf iyo cid kastoo wax tirsaneysa si loo dhiso Galmudug caafimaad qabta,waxaana rajeynayaa in la helo Galmudug mid ah oo dadkeeda waxaa ay rabaan doortaan ayuu yiri”Janeraal Tuuryare.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment