1824 Views

Maraykanka oo ku qasbay Agaasime Maxamuud Diyaano in uu Wareejioyo Ciidamada PSF

Maraykanka oo ku qasbay Agaasime Maxamuud Diyaano  in uu Wareejioyo Ciidamada PSF
____________________________________________________________________________

 
Khamiis: December 2, 2021

Xiisada maalmihii u dambeysay ka dhex aloosneyd Agaasimaha hay’adda PSF iyo madaxweynaha maamulka Puntlnad ayaa si weyn u qabowday saacadihii u dambeeyay.

Sida ay Saxaafada u sheegen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda PSF, Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan oo ah mas’uulka xil ka qaadistiisa ay sababtay xiisada uu qorsheynayo in uu xilka iska wareejiyo.

Agaasime Maxamuud Diyaan ayaa tallaabadaas qorsheynaya kadib wada-hadalo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn ay dhex-mareen isaga iyo Saraakiisha Mareykanka.

Sidoo kale Illa hadad ma jiro wada-hadal rasmi ah oo dhex-maray maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Deni iyo Agaasimaha, waxaana xiisada hoos u dhigay Saraakiisha Mareykanka ee wada-hadalka la yeeshay Diyaano

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post