1173 Views

Midowga Yurub oo cusbooneya heshiiska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga

Midowga Yurub oo  cusbooneya  heshiiska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 24 2021

Midowga Yurub waa inuu cusbooneysiiyaa heshiiska socdaalka ee ay la saxiixdeen Turkiga sanadkii 2016, Madaxweynaha Guddiga Midowga Yurub Ursula von der  ayaa sheegtay Talaadadii ka hor shir madaxeedka Midowga Yurub oo looga hadlayo cusboonaysiinta heshiiska.

Bishii Maarso 2016, Midowga Yurub iyo Turkiga waxay gaareen heshiis lagu joojinayo socdaalka aan caadiga ahayn ee looga soo tallaabayo badda Aegean lana hagaajiyo xaaladaha in ka badan 3 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah oo ku sugan Turkiga.

Heshiiska ayaa lagu guuleystay in la joojiyo qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga, laakiin diidmada Midowga Yurub ee ah in qaxootiga laga qaado Turkiga, iyo caqabadaha xafiisyada ee wareejinta lacagaha loo ballanqaaday ee qaxootiga ayaa horseeday cambaareyn kulul oo uga timid siyaasiyiinta Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan wuxuu ku dhaleeceeyay Midowga Yurub inay ka gaabiyeen inay fuliyaan balanqaadkoodii ahaa inay dhaqaale ku siinayaan muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Turkiga oo qeyb ka ah heshiiska halka loo qoondeeyay balaayiin Yuuro Giriiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post