1554 Views

Shacabka Degmada Ceelbarde oo soo dhaweeyay dadaalka Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane uu ku soo kordhiyay Degmada Ceelbarde daawo Muqaalka

Shacabka Degmada Ceelbarde oo soo dhaweeyay dadaalka Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane uu ku soo kordhiyay Degmada Ceelbarde  daawo Muqaalka
____________________________________________________________________________

Jimco:  October 21, 2021

Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane  ahna Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya ayay si diiran ay u  soo dhaweeyay dadka Dagan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, dadalka uu ka wado deegaanadaas Mudooyinkii la soo dhaafay.

Xalane ayaa waxa uu dhagax dhigay Garoon ku yaala halkaas iyo xarun MCH oo loogu tala galay in haweenka lagu dhaliyo.

 Boqolaal Qofood oo iskugu jira wax garad, Haween dhalinyaro iyo aqoonyahanada Deegaanka oo la dhacay wax qabadka Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane. Ayaa ku tilmaamay in uu yahay shaqsi u qalma in uu ku soo baxo doorashada dalka.

Dadkii halkaas iskugu yimid ayaa kala dul dhacay Duco iyo amaan Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane, maadaama Xiligaan  Degmada ceelbarde ee Gobolka Bakool ay u baahan tahay adeegyo dheeri ah.

.

Musharax xalane oo ka mid ah musharixiinta ugu cad cad Xiligaan Doorashada dhacayso Bilaha soo socda ayaa soo Noqday wasiirkii Maaliyada Soomaaliya, waxa uuna ka mid ahaa shaqsiyaadka Musuq maasuqa ama wasiirada Musuqa aan lagu Xaman.

Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde Haadi Siraad ayaa uga mahad Celiyay xalane dadaalka uu wado iyo Goobaha uu dhagax dhigay.

“ Mudane waan kaaga mahad Celinaynaa dadaalka aad wado siyaasiyiinta ka soo jeedo Ceelbarde adiga ayaan kaa haynaa oo u soo laabtay Deegaanka., waxna u Qabtay, waxaana ku leeyahay garabkaaga ayaan taagan nahay, mana ahan markii ugu horeysay oo baahi jirta Ceelbarde uu qabto”ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Ceelbarde Haadi Siraad\

Sidoo kale Musharax Madaxweyne Dr Xuseen Cabdi Xalane  ahna Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya ayaa dhagax dhigay Xarun lagu dawayn doono haweenka dhalmada ama MCH iyo Garoonka Degmadaas oo dayactir lagu samayn doono dhawaan .

 Abdihakim Elmi hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post