672 Views

Ciidamada Israa’iil oo sheegay inay duqeyn ku dileen hoggaamiyihii ururka Islamic Jihad

Ciidamada Israa’iil oo sheegay inay  duqeyn  ku dileen  hoggaamiyihii ururka Islamic Jihad
____________________________________________________________________________

May 17 2021

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah ay ku dileen hoggaamiyaha kooxda ka dagaalanta waqooyiga Qaza ee Hussam Abu Harbeed.

Militariga ayaa sheegay in Abu Harbeed uu mas’uul ka ahaa dhowr gantaal oo kuwa lidka taangiyada ah oo lagu gannay Israa’iil, kuwaasi oo uu ka mid ahaa gantaal dhaawac fudud gaarsiiyay qof shacab ah.

Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay madaafiicda la hago ee lagu tuurayay Israa’iil ee khasaarihii u dambeeyay sababay.

Kooxdan Islamic Jihad ayaanan durbadiiba xaqiijinin geerida hogaamiyaha kooxdan balse wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso ilo wareedyo kooxda ka tirsan, ayaa baahisay geerida Abu Harbeed.

Warbaahinta Qaza ayaa sheegtay in hoggaamiyahan maanta lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gurigiisa Beit Lahiya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post