834 Views

Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaan ka tirsan Sanaag

Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaan ka tirsan Sanaag
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2019 — Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta waxaa uu safar ku tegay Magaalada Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

 

Wafdiga oo safar dhinaca dhulka ah uga  ambabaxay dhinaca degmada Khardho ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka Magaalada Dhahar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas.

 

 

Ammaanka guud ayaa aad loo adkeeyey,waxaana la filayaa in Madaxweynaha Puntland uu dhagax-dhigo  mashaariic laga hirgelinayo Magaalada Dhahar,taas oo uu balan qaaday Sagaal bilood ka hor,xilligii uu musharaxa ahaa.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Dhahar in uu kulamo kala duwan la qaato Mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka,isaga oo kala hadllo doono xaalada Siyaasadeed ee dalka.

 

Booqashada Madaxweynaha Puntland uu Maanta ku tegay Magaalada Dhahar ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay soo dedejisay,kadib markii Magaaladaasi uu dhawaan Xafiis ka furtay Wasiirka qorsheynta & Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Mudane katirsan baarlamaanka Faderaalka Jamaal Maxamed Xasan,walow Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay amartay in la xiro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment