4377 Views

Qaxooti Soomaaliyeed oo Markale loo Sahlay in ay dib ugu soo noqdaan Dalkooda

Qaxooti Soomaaliyeed oo Markale loo Sahlay in ay dib ugu soo noqdaan Dalkooda
____________________________________________________________________________

Qunsuliyadda Soomaalida ee Dalka Yamen oo kaashaneysa Hay’adda Qaxootiga Aduunka ayaa Waxay markale  u fududeeyeen 137 qoys oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ah ee Yaman ku sugnaa in ay dalkooda dib ugu soo noqdaan.

 Qunsulka Safaaradda Soomaaliya e dalka Yaman oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in qoysas gaaraya 137 qoys shalay looga soo qaaday dooni asago oo xusay in laga soo dajin doono Magaalada Berbera.

Qunsulka ayaa xusay in dadkaas markii ay Barbara soo gaaraan loo fududeyn doono sidii ay ku kala gaari lahaayeen Gobolada ay kasoo kala Jeedaan.

Qaxootigaan laga soo daabulayo dalka Yamen ayaa waxaa lagala soo Cararay dagaalada iyo qatarta badan ee Ka jirta gudaha wadanka Yeman oo  ay qaxootiga ku ahaayeen in mudo ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment