729 Views

Dowlada Itoobiya oo ugu baaqday ciidamada TPLF inay isa soo dhiibaan

Dowlada Itoobiya oo ugu baaqday ciidamada TPLF inay isa soo dhiibaan
____________________________________________________________________________

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday ciidamada Tigray inay isa soo dhiibaan xilli ciidamada federaalka ay wadaan howlgal ay ku qabsanayaan deegaano badan.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli baarlamaanka Itoobiya uu u codeeyay in xasaanadda laga qaado xildhibaano dhowr ah oo kasoo jeedo Tigray.

Dagaalka ayaa bilaabmay toddobaad ka hor kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay howlgal militeri oo ka dhan ah TPLF.

Waxaana lagu soo warramayaa in labada dhinac ay boqolaal qof kaga dhinteen dagaalka.

Dowladda ayaa kalsooni ka muujineysaa dagaalka, wasiirka gaashaandhigga Kenea Yadeta wuxuu sheegay in muddo aysan qaadan doonin in caddaallada la hor keeno madaxda TPLF.

Wuxuu ka hadlay in maamul kumeel gaar ah loo magacaabi doono deegaanada ay qabsadeen ciidamada federaalka.

Wey adagtahay in la xaqiijiyo waxa ka socda gobolka maadama ay go’aantahay isgaarsiinta.

Labada dhinac waxay sheegayaan in guul ay ka gaareen dagaalka, wuxuuna midba midka kale ku eedeynayaa in uu geystay tacaddiyo.

Dadka shacabka ayaa la daalaa dhacayaa dhibaatooyinka kasoo gaaray dagaalka, iyadoo kumanaan qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey waxay walaac ka muujisay xaaladda shacabka ku nool gobolka, waxayna ka codsatay labada dhinac inay xaqiijiyaan sidii ay ku suurogeli laheyd in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post