771 Views

Maamulka G/Banaadir oo ka Shirey weerarkii Hotelka SYL

Maamulka G/Banaadir oo ka Shirey weerarkii Hotelka SYL
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 12 , 2019 | QOL |   –Shirka amniga Caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir iyadoo wax la iska weydiiyay Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirka gudoominayay ayaa tilmaamay in la iskula xisaabtami doono sugida amniga islamarkaana loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabadgalyda Caasimadda.

 

 

 

Shirka waxaa ka qayb galay saraakiisha u xilsaaran amniga caasimadda Soomaaliya ee Magaalada muqdisho.

 

Weerarkii Habeen ka hor lagu qaaday Hotellka SYL ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sheegay inay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment