840 Views

Puntland oo xaqiijisay 136 kiis oo Corona Virus ah

Puntland oo xaqiijisay 136 kiis oo Corona Virus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa xaqiijisay in 11 ruux 24kii saac ee lasoo dhaafay laga helay Cudurka Corona Virus degaanada maamulka Puntland.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan kisaska Cudurka Covid 19 ee degaanada maamulka Puntland.

11 Ruux ee laga helay waxay kala ahaayeen 7 Rag ah iyo 4 Dumar ah.

Dadka laga helay waxay kala joogaan 7 Ruux Gobolka Nugaal, 4 ruux waxay joogaan Gobolka Karkaar

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 136 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaa soo kabtay 3 Ruux.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment