1179 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Nin lagu helay Al-Shabaabnimo

____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa la horkeenay Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan oo loo haysto kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab oo uu kaga biiray Galgaduud 2013 iyo  in uu u qaabilsanaa u Faafinta fikirkooda.

Billowgii March ayay ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge-ahaan.

War kasoo baxay Maxkam adda ayaa waxaa lagu sheegay in Maxamed Cusmaan uu dhalinyarada Al-Shabaab ee ku sugnaa Ceel-Garas iyo Ceelbuur uu la wadaajir jiray wararka la xiriira Gobalka ee ay baahiyahaan Idaacada ku yaal Caasimadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Maxamed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga Dacwadda Eedeysanaha dhammaadkii Maarso, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ka dhagaysatay Eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cusmaan.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab looga baajin karo ka been sheegidda Diinta Islaamka si loo bad baadiyo dhalin fara badan oo halis ugu jirto Fasirka Qaldan ee Diinta.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Garsoorka ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo aan laga haynin Fasir qaldan oo kayd ahaan meel u yaallo.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay SIDEED SANO oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post