792 Views

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka oo codsi u jeedisay dowladda Tanzania

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka oo codsi u jeedisay dowladda Tanzania
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 21 2021–Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa ka codsatay dowladda Tanzania inay diiwaangeliso kiisaska cudurka Karoona isla markaana ay la wadaagto macluumaadka ku saabsan cudurka.

Tanzania waxay kamid tahay dalal yar oo ka tirsan caalamka oo aan soo bandhigin kiisaska cudurka.

Markii ugu dambeysay ee dowladda diiwaangeliso kiisaska waxay aheyd bishii May ee sanadkii tagey xilliggaas oo ay kiisaska ku sheegtay 500 halka dhimasho ay gaartay 20.

Labo bilood kadib madaxweyne John Magufuli wuxuu ku dhawaaqay in dalka uu ka dhamaaday cudurka Covid-19.

Hadalka Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ayaa kusoo hagaagay xilli ay cudurka u dhinteen shaqsiyaad caan ah oo ay ku jiraan dad madaxwenaha saaxiibadiisa u dhow ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post