591 Views

Aabaha dhalay nin “carruurta dhiiga ka dhuuqo” oo ka hadlay arrinta wiilkiisa dalka Kenya

Aabaha dhalay nin “carruurta dhiiga ka dhuuqo” oo ka hadlay arrinta wiilkiisa dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Sabti: July 17,  2021

Robert Wanjala oo ah aabaha dhalay 20 sano jir lagu tuhunsanyahay inuu dilay ugu yaraan 10 carruur ah ayaa waraysi uu siisay warbaahinta maxalliga ee dalka Kenya ku dalbaday in sharciga la marsiiyo wiilkiisa.

Wanjala, ayaa sheegay in kulankii ugu horreeyay isaga iyo wiilkiisa uu dhacay markii uu Milimo ahaa 16 sano jir. Milimo ayaa waxa soo korsaday hooyadiis kaddib markii ay aabhihiis kala tageen isaga oo aan weli dhalanin.

Wiilkan oo qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah, ayaa magaciisa lagu sheegay Masten Milimu Wanjala.

Wuxuu saraakiisha booliska u sheegay in meelo kala duwan uu geeyay meydadka dhibanayaashii uu dilay.

Waaxda dambi baarista ayaa barta twitter-ka ku daabacday warbixin ku saabsan sheekada ninkan iyo sida uu u fulinayay dilalka lagu tilmaamay naxariis darrada ee carruurta.

Qoraalka booliska ayaa lagu yiri: “Dad-cunkn wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da’dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan”.

Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo.

Nin la sheegay inuu carruurta dhiiga ka dhuuqo ka hor inta uusan dilin oo lagu xiray Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post