366 Views

Maxkamadda Sri Lanka oo ku amartay madaxweynihii hore iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.

Maxkamadda Sri Lanka oo  ku amartay madaxweynihii hore iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12- 2023 

Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku xad-gudbeen xuquuqda dadka muwaadiniinta ah iyagoo ku guul-darreystay inay ka hortagaan qaraxyada.

inkastoo xilligaasi la helay xog sheegaysa in weerar uu ku soo wajahan yahay ayey hadana muuqatay feejignaan la’aan xagga dowladda ah.

Mr Siresena ayaa lagu xukumay inuu bixiyo ku dhawaad 273,000 ​​oo dollar.

Dadka kale ee la amray in ay bixiyaan ayaa waxaa ku jira taliyayaashii xiligaasi ee booliska iyo sirdoonka Sri Lanka.

In ka badan laba boqol iyo lixdan qof ayaa lagu dilay weerarradaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post