1194 Views

Jubbaland oo faah faahisay duqeyntii ka dhacday degmada Jilib

Jubbaland oo faah faahisay duqeyntii ka dhacday degmada Jilib
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  02- 2019–Maalin ka hor diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka oo gacan  ka helaya Ciidamada Soomaaliya waxaa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana duqeyntaas faah faahiyey Maamulka Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Gaadiid uu la socday Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab laguna dilay.

Afhayeenka ma sheegin Magaca Sarkaalka ka tirsanaa Al-Shabaab ee uu sheegay in duqeynta lagu dilay,balse uu tilmaamay in uu ahaa mid dhibaato ku haayay Shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka oo fuliyey duqeyntaas ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqeyntaas ay fuliyeen balse ay baaritaan ku sameynayaan khasaaraha ka dhashay.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment