963 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweyne Farmaajo Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, -2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment