1122 Views

Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Jowhar

Faahfaahin ka soo baxaysa dil ka dhacay xalay magaalada Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada magaalada Jowhar kaasoo lagu magacaabi jirey Cabdirashiid Xaaji Muxumad Sheekh Cali.

Rag bistoolado ku hubeesan ayaa dhowr xabo ku dhuftay C/rashiid Xaaji Muxumed oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha magaalada Jowhar.

 

Kooxdii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, waxaana goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan booliiska magaalada Jowhar kuwaa oo sameeyay howlgalo baaritaano ah.

 

Dilka Allaha u naxarisitee Cabdirashiid Xaaji Muxumad ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo ka dhaca magaalada Jowhar dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment