699 Views

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo la kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland

Musharax  Daahir Maxamuud Geelle oo la kulmay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka oo kamid ahaa kulamada horudhaca u ah Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada dalka, sida Arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay kaalinta uu ka qaadanayo dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo ku balamay inay kulamada sii joogteeyaan.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxweyne oo Garoowe u tegay ka qeyb galka Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post