1065 Views

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo xalay saq dhexe gaaray magaalada Kinshasa ee dalka Koongo

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday  Farmaajo oo xalay saq dhexe gaaray magaalada Kinshasa ee dalka Koongo
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Wararka ka imaanaya saakay magaalada Kinshasa eedalka Koongo  ayaa sheegaya in xalay waqti danbe uu gaaray halkaas Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

safarkiisa ayaa Madaxtooyadu ku sheegay inuu yahay mid shaqo oo qaadanaya labo maalmood, kuna saabsan  kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo xagjirnimada.

Sidoo kale  safarkan ayaa sheegeysa in ujeedkiisu yahay dadaal uu Farmaajo ugu jiro inuu aqoonsi ugu helo dalalka Afrika labada sano ee uu ku darsaday muddo xileedkiisii dhammaaday 8-dii Febraayo 2021, kadib markii ay ka hor yimaadeen dalalka reer Galbeedka ee Midowga Yurub iyo Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post