1104 Views

SAWIRO:-Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Somalia

SAWIRO:-Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirka Britain u fadhiya Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

 

Kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay kaga wada hadleen heerka uu maraayo u diyaar garowga doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo,maadaamaa Midowga Yurub uu aad u taageero Soomaaliya Dowladda Ingiriiskana ay xubin ka tahay midowga Yurub.

 

 

 

Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay in dowladda Britain ay diyaar u tahay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageerto dhinaca doorashada.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa dowladda Britain uga mahad celiyey taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment