702 Views

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka warbixisay Shirka u furmay Madaxda DF iyo D/goboleedyada

Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka warbixisay Shirka u furmay Madaxda DF iyo D/goboleedyada
____________________________________________________________________________


Sabti: June 11, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Madaxtooyada dalka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaarae Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta ay shirka uga wada hadlayaan xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in la soo gabo gabeeyo, waxaana laga soo saari doona War-saxaafadeed ku saabsan qoddobada ay Madaxdu ku heshiiyeen.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post