63 Views

MW Xasan Sheekh oo bogaadiyey heshiiska tayeynta CXD ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya & Mareykanka

MW Xasan Sheekh oo bogaadiyey heshiiska tayeynta CXD ee ay wada saxiixdeen Soomaaliya & Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiskan uu horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxaa xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgelinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

“Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo xaqiijinta amniga, waxa uuna faray xubnaha ka soo jeeda dhanka dowladda Soomaaliya ee guddiga isku-dhafka ah ee Labada dal in ay mudnaan weyn siiyaan fulinta heshiiska,” sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay sida ay lafdhabarta ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.

Heshiiska waxaa Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post