2277 Views

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo xarigga ka jaray dib u dhis lagu sameeyey Hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo xarigga ka jaray dib u dhis lagu sameeyey Hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 6, 2018 – Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Soomaaliya, Garyaqaan, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Maanta oo Khamiis ah Xarigga ka jaray dib u dhis lagu sameeyay Hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir,

Munaasabaddan Xarig jarka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Madaxda Maxkmadda Ciidanka Qalabka sida, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Abshir Cumar Cabdullaahi, oo sigaar ah shaqadan loogu xil-saaray dhameystirkeeda ayaa sheegay in arrintan ay hirgashay markii ay is kaashadeen Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka.

Wuxuuna xusay inya inay sidoo kale kaalin wanaagsan ka qaateen howshan dib u dhiska ah shaqaalaha Xafiiska xeer illaaliyaha Qaranka iyo kan Madaxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Gudoomiyaha Maxkamadda deraja koowaad ee Ciidanka Qalabka sidda ,Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in shaqo fiican lasoo qabtay balse loo baahan yahay in aan halkan lagu joojin ee lasii wado.

“Mudane Gudoomiye Maxkamadda Ciidanku halkan shaqo badan ayey ku qabatay waxaana ku faraxsanahay qaabka Maanta loo ekeysiiyey, waana wax aad looga shaqeeyey runtii, waxaana ku shaqeyn doonaa halkan iyadda oo waliba la-casriyeeyey”, ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Xeer illaliyaha Guud ee Qaranka, Dr, Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in loo baahan yahay shaqo kasto oo laqabto in aan meeshaas looga harin, balse markasta lagu sameeyo dib u eegis iyo waxyaabaha ka halaaba in isla markiiba loo hagaajiyo.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashi Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in Xafiisyada iyo Hoolalka quruxda badan ee lasameeyey lagu qabto shaqo wanaagsan oo aysan kasoo bixin Xukuno caddaalad darro ah.

“Waxaa loo baahan yahay in halkaan lagu qabto shaqo caddaalad ah oo Dadka Soomaaliyeed ku qanacsan yihiin, wixii Hoolkan Quruxda badan kasoo baxa, wax micno ah innoo sameyn meyso in halkaan la-qurxiyo, haddana ay kasoo baxaan xukunno Caddaalad darro ah” Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ee Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Soomaaliya ayaa bilicda iyo quruxda Hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir ku tilmaamay mid la mid ah dhismaha Maxkamadda Caalamiga ah.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment