759 Views

Arday jaamacadeed oo loo xiray inay banki jabsadeen

Arday jaamacadeed oo loo xiray inay banki jabsadeen
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 27|  2020—Labo arday oo jaamacad dhigta ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay jabsadeen banki ku yaalla Kenya, iyagoo ka dhacay malaayiin shilinka Kenya ah, sida uu shaaciyay wargeyska Daily Nation.

Ardaydan oo dhigta kulilayadda Beeraha iyo Teknolojiyadda ee Jaamacadda Jomo Kenyatta, oo ku taalla bannaanka magaalada Nairobi, ayaa lagu eedeeyay inay xadeen 24 milyan oo shilin ($220,000) iyagoo sidoo kale doonayay inay dhacaan 190 milyan oo kale.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday bishii la soo dhaafay.

Antony Mwangi Ngige, oo 23 jir ah, iyo Ann Wambui Nyoike, oo 21 jir ah, ayaa beeniyay eedeymaha.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post