972 Views

Maamulka D/Dharkenleey oo u digay Saraakiisha Ciidamada ku dhex heysta degmada

Maamulka D/Dharkenleey oo u digay Saraakiisha Ciidamada ku dhex heysta degmada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 27 2020—Maamulka degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gudaha degmadaasi ay ka bilaabeen howlgallo la xiriira dhanka Amniga, isla markaana looga hortagayo dadka dalalka amni darro ka geystay degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey Guhaad Sheekh Xasan ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada Amniga ka fuliyeen guryo bar tilmaadeed u ahaa oo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya, waxaana uu u digay dadka Gudaha degmada ku dhex iibiya maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiye Guhaad oo warbaahinta la hadlayay waxaa uu sheegay in marnaba maamulka degmada Dharkeenlay aqbaleyn in kooxo hubeysan, sida Millateri ama macaawiisleey iyo kuwa dhaca geysta inay hub ku dhex heystaan gudaha degmadaas.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee degan Gudaha degmada ayaa waxaa uu uga digay inay ciidamadooda oo hubeysan ay dhex socdaan Magaalada,waxaana uu sheegay in dhaca loo geysto dadka Shacabka ay saraakiisha mas’uul ka yihiin.

Degmada Dharkeenleey ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka mararka qaar dhaca logu geysto xilliyada habeenkii dadka Shacabka ah,waxaana ay cabasho u gudbiyaan Maamulka degmada.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post