879 Views

Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay dagaalka Al-Shabaab

Galmudug iyo Puntland oo ka wada hadlay dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 27. 2020–Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Faahfaahin ka bixinayay kulamo labada maamul uga socda Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada maamul ay yeelan doonaan iskaashi weyn oo ku aadan dagaalka ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay kala wada shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ku sugan yihiin, islamarkaana wada shaqeyn buuxda ay dhexmari doonto labadda dhinac.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa xusay in amniga Magaalada Gaalkacyo laga sameeyay horumar weyn tan iyo markii laga bilaabay howlgal uu garwadeen ka yahay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo kusoo qabtay in ka badan 20 ruux oo ay sheegeen in ay xiriir la haayeen ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post