1596 Views

Akhriso:-Amaro La Dul Dhigay Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Akhriso:-Amaro La Dul Dhigay Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Shir ku yeeshay Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland,iyagoona soo saaray qodobo laamaha amniga ee Jubbaland lagu farayo sugidda Amaanka deegaanadaas.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Musharaxiinta dooneysa in ay ka qeyb galaan Doorashada Madaxweynaha la filaayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka Jubbaland uga digtay in ay abuuraan waxkasta oo khalkhal amni horseedi kara.

Jubbaland ayaa cadeysey in Musharax kasta Amnigiisa ay sugayaan Ciidamada amaanka Jubbaland,isla markaana aan  lana ogolaan doonin in musharaxiinta ilaalo gaar ah ay sameystaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa warbaahinta uga warbixiyay qodobada ka soo baxay Shirkii Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen  Golaha amniga Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment