645 Views

Iiraan oo farriin hanjabaad ah u dirtay Mareykanka

Iiraan oo farriin hanjabaad ah u dirtay Mareykanka
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 21 2020
—Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani wuxuu sheegay in Mareykanka uu wajahayo “Guuldarro” kaddib tallabada Mareykanka uu ku doonayay in cunaqabateynta Qaramada Midoobey dib loogu soo rogo Iran xilli waddamada reer Yurub ay ku tilmaameen arrintaas tallaabo aan sharciga waafaqsaneyn.

Xilli uu khudbad ka jeedinayay teleefishinka qaranka, Madaxweyne Ruuxaani wuxuu sheegay in “Iran ay jawaab wax burburin doonto ka bixin doonto handdadada Mareykanka”

Maamulka Trump wuxuu ku doodaya in tallaabada cunaqabateynta dib loogu soo rogayo Iran ay ku qoran tahay heshiiskii uu Mareykanka ka baxay sanadkii 2018-kii ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyerka.

Waddamada kala ah UK, Faransiiska iyo Jarmalka waxay sheegeen in Mareykanka uusan laheyn awood uu tallaabadaas ku qaado.

Arrinta uu shaaca ka qaaday Mareykanka waxaa ka hor yimid dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ma kala cadda waxa ka dhalan karo go’aanka Mareykanka.

Axaddii, saraakiil Amerikaan ah oo aan magacoodu la shaacin o ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in laga bilaabo Isniinta in xukuumadda Washington ay cunqabateyn kusoo rogi doono tiro dad ah oo lala xiriiriyay barnaamijka nukliyerka ee Iran, gantallada iyo hubkeeda.

BBC SOMALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post