1773 Views

Sawiro:-Xisbi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo Shahaadada Aqoonsiga la siiyay

Sawiro:-Xisbi uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir oo Shahaadada Aqoonsiga la siiyay
____________________________________________________________________________

MadMuqdisho | QOL | May 04, 2019 –Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa maanta ka mid noqday Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, iyadoo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran ay siiyeen Shahaadada rasmiga ee KMG ah.

 

Xisbigan ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

 

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil ayaa shahaadada aqoonsiga KMG ee Diiwaangelinta guddoonsiiyay C/llaahi Cilmi Xaaji Ereg oo ah Guddoomiyaha KMG ee Xisbigan.

 

Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ganacsato iyo dad badan oo caan ka ah bulshada dhexdeeda.

 

Hoggaamiyaha Xisbigan Taabit Cabdi Macamed ayaa Xisbigan diyaarintiisa iyo dhismihiisa ku mashquulsanaa tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

 

Dad badan ayaa aaminsan inuu xisbigaan heli doono rabitaan bulsho oo xoogan, iyadoo laga cabir qaadanayo taageerada uu Taabit Cabdi u leeyahay, laguna xusuusto sidii uga qeyb qaatay gurmadkii Qaraxii 14 October, xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan ka hirgasho nidaamka Xisbiyada badan, iyadoo laga guuri doono hannaanka wax qeybsiga ah ee loo yaqaano 4.5 oo la soo isticmaalayay tan iyo sanadkii 2000 xilligii dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment