2610 Views

Tahriibayaal Ethiopian oo ka ambabaxay Bosaaso oo ku geeriyootay xeebaha Yemen.

Tahriibayaal Ethiopian oo ka ambabaxay Bosaaso oo ku geeriyootay xeebaha Yemen.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 7, 2018 – 46 Tahriibayaal Ethiopian ayaa geeriyootay, 16 kalena waa lagu la’ yahay Dooni ay la socdeen ugu yaraan 100 Ethiopian ah oo ku degtay Gacanka Cadmeed.

Tahriibayaasha geeriyootay waxay kala ahaayeen 37 rag iyo 9 haween, halka 16 kalena oo la la’ yahay lagu xisaabay inay geeriyoodeen.

Doonidaasi waxay bishan June 5-dii ka ambabaxday Xeebta magaalladda Bosaaso ee Maamulka Puntland, waxayna Tahriibayaasha ku haminayeen inay shaqo ka heli doonaan Yeman iyo dalalka Gacanka Carbeed.

Agaasimaha Hay’adda Muhaajirtiinta Caalamka ee IOM ugu qaabilsan Hawlgalladda iyo Gurmadka, Maxamed Cabdikeer waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin Masiibadda ay Tahriibayaashaasi ku geeriyoodeen.

Waxa uu intaasi ku daray in Yemen bil kasta u soo tahriibaan in ka badan 7,000 Tahriibayaal sabool ah., iyadoo sannadkii hore oo keliya ay Yemen soo gaareen 100,000 oo Tahriibayaal ah.

Dhinaca kale, Dhacdada Tahriibayaasha Ethiopianka ee shalay ku haftay Badda ayaa timid dhowr maalmood kadib, markii ay Hay’adda IOM ka taageertay sidii ay 101 qof oo Ethiopian oo ay ku jireen 51 Haween iyo 33 Carruur ah oo ku sugnaa Yeman dib loogu soo celin lahaa dalka Jabuuti, kuwaasi oo ku xayirmay dagaalka ka socdo hareeraha magaalladda dekedda leh ee Xudeyda.

TAHARIIBAYAAL TAHARIIBAYAAL3 TAHARIIBAYAAL2 TAHARIIBAYAAL1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment