273 Views

Alshabaab oo Gudaha Suuqa Bakaaraha Ku Weeraray Ciidamo Dharcad ah oo halkaas ku sugna iyo Khasaaro ka Dhashay

Alshabaab oo Gudaha Suuqa Bakaaraha Ku Weeraray Ciidamo Dharcad ah oo halkaas ku sugna iyo Khasaaro ka Dhashay
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 19, 2022

Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Sida aan wararka ku helnay rag katirsan Al Shabaab ayaa bambaano ku tuuray goob ay ku sugnaayeen askar katirsan ciidanka nabadsugida gaar ahaan kuwa dharcadka ah, waxaana bamnbada kaddib la sheegay in raga hubeesan rasaas huwiyeen goobtii ciidanka joogeen.

Iska hor imaad kooban oo dhax maray kooxda hubeesan iyo ciidamada nabadsugida ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana mar qura lagu kala cararay goobtii weerarka ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka nabadsigida ayaa goobta ku dhintay halka saddex askari oo kalana dhaawacyo soo gaareen, kuwaa oo loo qaaday xarumo caafimaad oo kuyaalla Muqdisho.

Ciidamo katirsan nabadsugida oo gaaray Suuqa Bakaaraha ayaa halkaasi ka wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka geesatay, waxa ay sidoo kale ciidamada baarayaan dadka ay ka shakiyaan..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post