834 Views

Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya oo mar kale Jabuuti ku kulmaya

Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya oo mar kale Jabuuti ku kulmaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | June 20, 2020- | QOL |  June 20, 2020GuddiyadaFarsamada Somaliland iyo Somalia ayaa agu waddaa in ay mar kale ay kulan ku yeeshaan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti.
Kulankaan ayaa waxaa hoggaamin doona Wasaaradda Arrimaha dibada dalka Jabuuti oo sheegtay in ay go’an tahay in xal buuxa loo helo dhibaatada taagan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in guddiyadda labadda dhinac ay kulmi doonaan 14 berri ka dib si loo dhameystiro hirgalinta heshiiskii ay wada gaareen labada dhinac.
Guddiyada ayaa ah kuwa gaar ah oo labadda dhinac ka socda, waxaana sidoo kale 45 berri ka dib kulmi doona Wasirada labadda dhinac ee qeybta ka ah wadahallada Somaliland iyo Somalia.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in uu diyaar yahay guddiga Farsamada ee qaabilsan wadahallada in ay gaaraan dalka Jabuuti 14 maalin ka dib.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post