1704 Views

La taliyaha amniga ee Madaxweynaha oo ka hadlay tirada milatariga Somaliya

La taliyaha amniga ee Madaxweynaha oo ka hadlay tirada milatariga Somaliya
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 15, 2018 – La taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaangeshay Dowladda Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 oo Askari.

Cabdi Siciid ayaa qoraal uu ku qoray boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda Federaalka ah ay horumar ka sameysay dhimaca amaanka iyo dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa uu sheegay in sagaalka kun ee Askari ay yihiin kuwo diiiwaangeshan, islamarkaana leh koontooyin Bangi oo bilkasta ay ka helaan lacagta Mushaarka ah ee ay qaataan.

Cabdi Siciid,ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda.

La taliyaha amaanka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan 2018 kaliya dowladda Soomaaliya ay diiwaangelisay 5,000 oo Boolis ah,kuwaas oo mushaari ah islamarkaana mushaarkooda joogta u qaata.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii la soo dhaafay AMISOM ku amray in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya,amnigana ku wareejiyaan Ciidanka xoogga dalka.

AMISOM ayaa si tartiib tartiib ah hadda uga baxeysa Soomaaliya ilaa sanadka 2020ka,waxaana sidoo kale bar bar socda dhismaha Ciidamada dowladda Federaalka ah oo qeybtooda ugu weyn ay gacanta ku heysto dowladda Turkiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment