426 Views

Xubnaha Golaha Wasiirada oo shir deg deg ah iskugu imaanaya kuna dhawaaqaya Taliyaha NISA

Xubnaha Golaha Wasiirada  oo shir deg deg ah iskugu imaanaya kuna  dhawaaqaya  Taliyaha NISA
____________________________________________________________________________


Axad: October 31, 2021

Maanta ayaa waxaa la filayaa in Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulan aan caadi ahayn.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa loo diray xalay farriimo lagu wargelinayay in ay si buuxda uga soo qeyb galaan Shirka Golaha oo qabsoomaya labada duhurnimo.

Xukuumadda Soomaaliya si rasmi ah uma shaacin waxyaabaha looga hadlayo kulanka Maanta, balse kulankaan ayaa baaqday Maalintii khamiista aheyd ee la soo dhaafay, kaas oo qorshuhu ahaa in Shirka Golaha Wasiirada lagu Magacaabo Agaasimaha KMG ah ee  Hay’adda NISA iyo kuxigeenkiisa, qorshahaas oo loo badinayo in Maanta la fuliyo.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa todobaad walba khamiistii waxaa ay yeeshaan kulankooda caadiga ah, balse kulamada Maalmaha kale ayaa waxaa ay noqonayaan kuwa aan caadi aheyn oo lagu gaaro go’aano kala duwan.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post