1077 Views

Xasan Rooxaani”Iran waxay aad uga qoomamaynaysaa qaladkan musiibada ah”

Xasan Rooxaani”Iran waxay aad uga qoomamaynaysaa qaladkan musiibada ah”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 11, 2020—Ciidanka kacaanka Iran ayaa waxay sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kam,a ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukraine ka dib markii ay uga shakiyeen duqeymo xilligii Iran ay duqeysay Saldhigyadda Mareykanka ee Ciraaq.

 

War kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri “khalad uu bina’aadam sameeyay ” ayaa ku dhacay Diyaarradda.

 

 

 

Dowladda waxa ay sheegtay in Dadkii masuulka ka ahaa ayaa lala xisaabtami doonaa.

 

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay aad uga qoomamaysaa qaladkan musiibada ah,Fikradayda iyo ducadaydu waxay aadaan dhamaan qoysaska murugaysan” ayuu Madaxweyne Hassan Rouhani ku soo qoray Twitter.

 

Iran ayaa horey u diiday warar sheegayay in diyaaradda ay soo dhacday ka dib markii uu haleelay gantaal ay Iiraan riday.

 

Diyaarad nooceedu yahay Boeing-737 oo ay saarnaayeen ku dhawaad 180 qof oo ku burburtay meel aan ka fogeyn caasimadda Iran ee Tehran ayaa waxa la shaaciyey halka ay ka soo jeedaan rakaabkii saarnaa.

 

  • 82 Iran
  • 63 Canada
  • 11 Ukrain, oo ay ka mid yihiin shaqaalaha diyaaradda.
  • 10 Sweden
  • 4 Afghanistan
  • Saddex u dhalatay German

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment