1362 Views

SAWIRO:-Wasiir Sabriye oo la kulmay Odayaasha & Waxgaradka Cadaado

SAWIRO:-Wasiir Sabriye oo la kulmay Odayaasha & Waxgaradka Cadaado
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 28, 2019-RWasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Magalada Cadaado ayaa Maanta kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka  Magaaladaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Arrimaha Galmudug iyo doorka ay ku leeyihiin Odayaasha Dhaqanka  Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho ay u dhan yihiin dadka reer Galmudug.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Cadaado ayaa Wasiirka u gudbiyay si la mid ah in Cadaado ay tahay xarunta Baarlamaanka Galmudug,isla markaana looga baahan yahay dowladda Federaalka inay taasi ogaato, iyada oo xaqiijineysa Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga dhigay Xarunta Baarlamaanka.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Odayaasha Dhaqanka uga mahadceliyay kulanka mira-dhalka ah ee uu la qaatay,waxaana uu u sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba hortaagneyn in Magalada Cadaado ay noqoto Xrunta Baarlamaanka Galmudug.

Magalada Cadaado ayaa waxaa haatan ku sugan inta badan Madaxda Dowlada Federaalka oo isugu jira Madax iyo mucaarad,waxaana dowladda Soomaaliya ay isku-dayeysaa in xal laga gaaro arrimaha ka taagan deegaanada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment