1068 Views

Haweeney u dhalatay Faransa oo ah haweeneyda ugu da’da wayn Yurub oo ka badbaaday feyriska Corona,

Haweeney u dhalatay  Faransa  oo ah haweeneyda ugu da’da wayn Yurub oo ka badbaaday feyriska Corona,
____________________________________________________________________________

February 10, 2021

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo ahayd haweeneyda ugu da’da wayn qaaradda Yurub ayaa ka badbaaday feyriska Corona, maalmo uun ka hor sanadguuradeedii 117-aad.

Lucile Randon, oo naaneesteedu tahay Sister Andre ayaa feyriska laga helay 16 bishii January, balse ma aysan qabin wax calaamadaha cudurka ah.

Waxay warbaahinta maxaliga ah u sheegtay “in xitaa aysan dareemin in ay qabto feriska”.

Waxay isku karantiisha gurigeeda oo ku yaalla dalka Faransiiska, balse waxaa imika la shaaciyay inay cudurka ka bogsatay.

Lucile Randon, oo ah haweeney indhoole ah ayaa waxay ku socotaa baaskiilka dadka naafada ah islamarkana waxay imika isu diyaarinaysaa in ay u dabaaldagto dhalashadeeda maalinta Khamiista.

“Aad ayay u nasiib badnayd,” ayuu yiri David Tavella,oo ah afhayeenka xarunta lagu xanaaneeyo dadka waayeelada, waxaa uu sidaa u sheegay wargeyska Var Matin.

Waxaa uu intaa ku daray in aysan waydiin caafimaadkeeda, balse ay waydiisay waxa ay tahay in ay sameyso.

“Ma muujin wax cabsi ah oo ay cudurka ka baqeyso, dhanka kale waxay aad uga walaacsanayd dadka la dagan goobta lagu xanaaneeyo.” Ayuu yiri David Tavella.

Sister Andre ayaa dhalatay 11 bishii February sanaddii 1904.

Iyada oo ah qofka ugu da’da wayn Yurub ayaa hadana waxaa ay noqotay qofka labaad ee ugu da’da wayn caalamka oo dhan sida ay sheegtay xarunta Gerontology Research Group’s (GRG).

Mar warbaahinta BFM ee Fransiiska ay wax ka waydiisay in ay ka ka naxday in uu feyriska ku dhacay, ayay Sister Andre ku jawaabtay: “Maya, kama nixin, sababtoo ah kama cabsado geerida.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan idinla joogo, balse waxaan rabi lahaa in aan meel kale joogo, si aan ugu biiro walaalkey iga wayn , awowgey Aabe iyo awowgey hooyo.” Ayay intaa ku dartay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post