444 Views

Dagaal khasaaro ka dhashay oo ka socda deegaan ka tirsan G/Mudug

Dagaal khasaaro ka dhashay oo ka socda deegaan ka tirsan G/Mudug
____________________________________________________________________________

 Khamiis: April 7, 2022

Wararka ka imaanaya deegaanka Qararow oo wisil kaga beegan dhanka koofureed ayaa sheegaya in halkaas uu ka qarax dagaal xoogleh oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Daraaeiishta Galmudug iyo Maleeshiyaad deegaanka oo iskaa shanaya iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay yimaadeen deegaanka Qararow oo wisil ka jira dhanka koofureed, kadib ay ku baxeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana halkaas ka dhashay dagaal dhinacyada ah.

Waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaraya dhinacyada, balse lama oga inta uu la egyahay, iyadoo deegaanka Qararow oo wisil ka xiga dhanka koofureed uu ka tirsan yahay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wali maamulka degmada iyo kan Gobolka kama aysan hadlin dagaalka socda iyo khasaraaha ka dhashay. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post