549 Views

Wafdi ka socda Dowladaha Soomaaliya oo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Wafdi ka socda Dowladaha Soomaaliya oo gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________



Isniin: July 4, 2022

Wafti uu Hogaaninayo Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bini,aadinimada iyo Gurmadka Abaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaarey Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo kamid ah Goobaha ay sida daran u sameeysay abaarta ka jirta guud ahaan maamulka Jubbaland.

Wafdiga Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha waxaa safarka ku wehliyay Masulyiin ka socotey Dowlada Qatar.

Ujeedka safarka Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo wafdiga ka socda Dowladda qadar ayaa ah kormeerida dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa kamid ah Goobaha ay sida ba’an u saameeysay abaarta ka jirta Soomaaliya oo kasii dareeysa sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post