1242 Views

Azerbaijan oo furtay madxaf meel bannaan ah ku yaalla oo lagu xusayo dagaalkii lixda isbuuc

Azerbaijan oo  furtay madxaf meel bannaan ah ku yaalla oo lagu xusayo dagaalkii lixda isbuuc
____________________________________________________________________________

April 28-2021

Azerbaijan waxay furtay madxaf meel bannaan ah ku yaalla oo lagu xusayo dagaalkii lixda isbuuc ee ay ku qabsatay gobolka Nagorno-Karabakh, sannadkii hore.

Waa jardiin lagu sameeyay waxyaabo la xiriira dagaalkaas oo laga furay caasimadda, Baku. Waxaa la dhigay hubka iyo gawaarida dagaalka ee laga soo qabsaday ciidamada Armenia.

Arrintan waxay ka careysiisay dalka Armenia, oo Azerbaijan ku eedeysay “dulqaad la’aan iyo abuuridda naceyb bulsho”.

Dagaalkii sannadkii hore waxaa ku dhimatay in ka badan 5,000 oo qof, kumannaan kalena way ku barakeceen. Bishii November, waxay labada dhinac waxa saxiixdeen heshiis nabadeed lagu soo afjaray colaadda.

Nagorno-Karabakh waxaa loo aqoonsan yahay in ay ka tirsan tahay Azerbaijan, balse inta badan dadka ku nool waa Armeniyiin.

Sannadkii 1990-maadkii, Armenia waxay qabsatay gobolkaas. Balse dagaal cusub ayaa ka dhex qarxay bishii September, Azerbaijan ayaana dib u qabsatay inta badan dhulkaas. Hadda ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ayaa la kala dhex dhigay labada dal.

Goobta laga dhigay madxafka waxaa lagu dhejiyay astaamo. Midda ku dheggan halka laga galo waxaa ku qoran “Karabakh inagaa leh!”

Gudahana beertan waxaa yaalla, taangiyada, hubka iyo dharka ciidamada Armenia. Sidoo kale, kartoonno dad loo ekeysiiyay oo loo xiray dharka askarta Armenia ayaa la dhigay goobo, qolal iyo hoolal ku yaalla meeshan.

Xaruntan waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, horraantii bishan. Armenia waxay sheegtay in ujeedada arrintan ay tahay “in si aan qarsoodi ahayn loo sharaf dilayo” askartii ku dhimatay ama lagu qabtay dagaalka.

Dowladda Azerbaijan ayaa beenisay arrintaas. Waxay tilmaamtay in ay xaq u leedahay in ay soo nooleyso guusheedii dagaalka ay ka gaartay.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post