573 Views

R/W ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan sidii loogu gurman lahaa dadkii hantidood ku waayay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Harageysa (Waaheen).

R/W ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan sidii loogu gurman lahaa dadkii hantidood ku waayay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Harageysa (Waaheen).
____________________________________________________________________________

Talaado: April 5, 2022

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay kulan u dhexeeyay Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Beesha caalamka, kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadkii hantidood ku waayay dabkii ka kacay suuqa weyn ee Harageysa (Waaheen).

Kulanka ayaa lagu lafa guray in dadkii ku hanti beelay suuqa ay u baahanyihiin kaalmo deg deg ah, isla markaana beesha caalamka looga fadhiyo kaalinta uga aadan caawinta dadkaas ay musiibada ku habsatay.

3-dii April ee bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post