846 Views

Shirka wadatashiga doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Shirka wadatashiga doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisiyooni waxaa Maanta ka furmay  Shirka Madasha wadatashiga Arriimaha doorashooyinka dalka.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ah, Madaxweynayaasha, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Puntland iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xal ka gaarista Arrimaha doorashooyinka, iyada asal looga dhigayo heshiiskii Magaalada Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Shirka ka qeyb galeysa ayaa waxaa ay is dhaafsanayaan aragtiyo ku aadan sida ugu haboon oo ay u dhi karto doorashada Soomaaliya oo waqtigii loogu talo galay dib uga dhacday iyo sida lagu fulin karo heshiiskii 17-kii September iyo heshiiskii Guddiyada ee Magaalada Baydhabo.

Shirka wadatashiga doorashooyinka ee Maanta ka furmay Teendhada Afisiyooni ayaa waxaa isha ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka si heshiis buuxa looga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo oo shirarkii hore ka qeyb galay ayaa shirkaan ka maqan, kadib markii Arrimaha doorashada Soomaaliya uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post