615 Views

Baarlamaanka Uganda oo la xirey iyadoo uu si xawliga ah uggu dhex faafayo dalkaas Covid19.

Baarlamaanka Uganda oo la  xirey  iyadoo uu  si xawliga ah uggu dhex faafayo dalkaas  Covid19.
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 24 2021

Baarlamaanka Uganda, ayaa si kumeel gaar ah loo xirey illaa iyo laba toddobaad, iyadoo uu dalkani si xawliga ah uggu dhex faafayo cudurka Covid19.

Toddobaadkii lasoo dhaafey, madaxda ayaa sheegay in boqol qof oo katirsan xubnaha baarlamaanka laga helay cudurka.

Warbixin lasoo saarey ayaa lagu sheegay in xiritaankauu dhaqan gali doono 28-ka bishan June, isagoo socon doonna illaa iyo 11-ka July ee bisha danbe, si loo nadiifiyo dhismaha baarlamaanka.

Chris Obore, oo ahu qeybsanaha baarlamaanka dhanka isgaarsiinta ee dadweynaha, ayaa sheegay in go’aanka loo qaatey si loogga hortaggo in xarunta baarlamaanka noqdo ubucda uu ka fafo cudurka Covid19.

Dalka Uganda, ayaa wajahaya wajiga labaad ee coronavirus, taasoo ku riixday Madaxweyne Museveni, inuu dib u galiyo dalkiisa bandaw guud horraantii bishan.

Waxaa jira sara u kaca cudurkani, kaasoo ku dhex faafaya qeybo badan oo kamid ah dalalka Bariga Africa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post