963 Views

Dr Cali Saciid Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Dr Cali Saciid Fiqi oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco- April 1, 2020 —Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay ku tartameen laba musharax.

 

Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxa uuna helay 83  Cod Dr Fiqi iyada oo Fadhiga  maanta ku sugnaa 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.

 

Goordhow ayaa la guda geli doonaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxaana  Xildhibaanada loo fasaxey qado iyo in ay Salaad soo tukadaan.

 

Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed  iyo Maxamed Nuur Maxamed ayaau taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed,halka Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa horay loo sii saadaalinaayay in uu xilkaan ku guulayso karo maadaama uu garab ka helaayay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Murasharax Fiqi ayaa ku soo baxay Wareegii 1 aad ee doorashada waxa uuna helay 83 ka mid cododkii la dhiibtay oo ahaa 93 Cod guud ahaan Xildhibaanada Dowlad-goboleedka Koofur Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment