912 Views

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus Milatari

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo  si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus Milatari
____________________________________________________________________________

 Arbaco: August 25, 202

Diyaaradaha Dagaalka dowladaha Masar iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus  ay kusoo bandhigayeen awoodooda, waxayna diyaaradahan hawada sare ku sameeyeen dhoolo tusyo cajiib ah oo ay ku jirtay howl shidaal siin ah.

Dhoolo tuskan ay sameeyeen ciidamada cirka Masar iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaatay Diyaaradaha Dagaalka noocyadii ugu danbeeyay oo kala ah Mirage 2000, Rafale iyo F-16.

Afhayeenka Milliteriga ee dalka Masar ayaa sheegay in dhoolo tuskan yimid  iyadoo la raacayo Jadwalka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga Milliteriga ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Faransiiska.

Dowlada Masar ayaa mudooyinkii dambe waday dhoolo tusyo ay kusoo bandhigeyso awoodeeda, waxa ayna dhoolo tusyadan imaanayaan xili Masar uu khilaaf ka taaganyahay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeyo dowlada Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post